Congo: in ka badan boqol qof oo ku geeriyoodey harada Tanganyika

Image

December 14, 2014 (GO)- Ugu yaraan 129 qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen kadib markii ay dooni kula degtey harada Tanganyika ee ku taalla koonfur-bari Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo.

Doonta degtey oo siddey shixnad badeecado kala duwan ah iyo ku dhowaad 360 qof waxay Jimcihii lasoo dhaafay ka shiraacatay magaalada Kalemie ee gobolka Katanga iyadoo kusii jeedey gobolka Uvira.

Laurent Kahozi oo ah Wasiirka Gaadiidka Congo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in kooxaha badbaadadu ilaa iyo hadda ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 221 qof.

Shilalka caynkan ah ayaa kusoo noqnoqda webiyada iyo harooyinka dalka Congo, waxaana inta badan loo sababeeyaa doomaha oo si tankooda ka baxsan loo raro iyo badi dadka safraya oon dabaasha aqoon islamarkaana qaadan jaakadaha badbaadada.

Harada Tanganyika oo ah tan ugu dheer harooyinka biyaha macaan ee dunida, waxay xuduud la leedahay dalalka Congo, Zambia, Burundi iyo Tanzania.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM