Congresska Maraykanka oo casilay Gudoomiyahoodi

Image

WASHINGTON - Aqalka golaha sharci dajiyayaasha Maraykanka ee Congresska ayaa xilkii ka xayuubiyay Kevin McCarthy oo ahaa gudoomiyaha golahaasi.

Tan ayaa ah markii koowaad ee taariikhda Maraykanka uu Barlamaanku xilka ka xayuubiyo hogaamiyahooda.

116 xubnood ayaa kala laabtay codka Kalsoonida halka 110 xubnood ay doonayeen in uu sii hogaamiyo Congresska xubintaan dimuqraadiga ah.

Congresska ayaa gudoomiye kumeel gaar ah u doortay xildhibaanka dimuqraadiga ah, Patrick McHenry oo kaasi oo laga soo doorto gobalka North Carolina isla markaana xubin ka ahaa golaha tan iyo 2005.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa sheegay in uu Confresska kala shaqaynayo in ay doortaan hogaankooda.

Xisbiga Dimuqraadiga oo haysta Aqlabiyada labada aqal ayaa ka fakaraya qofka ay u sharaxaan hogaanka Congresska iyada oo haatan ay soo baxayaan magacyada dhawr qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM