Cuba oo ka warbixisay weerar loo geystay Safaaradda dalkaas ee Maraykanka

Image

WASHINGTON - Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez Parrilla ayaa bartiisa bulshada ee X ka sheegay in habeenimadii Axadda weerar loo adeegsaday “molotov cocktails”  loo geystay safaaradda Cuba ee magaalada Washington, isagoo intaa ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarka.

Weerarka ayaa dhacay saacado un kadib markii hogaamiyaha Cuba Miguel Díaz-Canel uu dib ugu soo laabtay jasiiradaasi, ka dib markii uu ka soo qeyb galay shirarkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York todobaadkii hore.

Safaaradda Cuba ayaa dib loo furay 2015-kii markaasoo labada dal ay dib u soo ceshadeen xiriirkooda diblumaasiyadeed ee go’ay tan iyo 1961. Rodriguez ayaa sheegay in sidoo kale rasaas lagu furay safaaradda sanadkii 2020-ka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM