Cumaan oo "isku-soo-dhaweynaysa" wadamadda Masar iyo Iiraan

Image
Sucuudiga iyo Iiraan ayaa dhawaan xiriirkooda soo celiyay iyaga oo dib u furay xarumaha diblumaasiyadda.

TEHRAN, Iiraan - Suldaanka dalka Cumaan, Heytham Bin Daariq, ayaa gaaray magaaladda Tehran ee caasimada dalka Iiraan isaga oo halkaasi uu kusoo dhaweeyay madaxweynaha wadankaas, sidda ay ku warantey warbaahinta dalkaas.

Booqashadaan oo ay mid rasmi ah ku sheegtay wakaalada wararka ee Saldanada Cumaan ayaa qaadanaysa labo maalmood iyada oo la filayo in kulamo uu la yeesho madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ibraahim Ra'iisi.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxa uu booqasho ku tagay Saldanada iyada oo labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir.

Suldaan Heytham Bin Daariq ayaa kahor booqashadiisa Iiraan soo maray magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar halkaas oo uu wadahadalo kula yeeshay madaxda dalkaas.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in wadahadalo ay u bilawdeen Masar iyo Iiraan si ay dib ugu bilaabaan xiriirka dublamaasiyadeed ee labadaan wadan oo aan wax xiriir ah lahayn 45 sano ee lasoo dhaafay.

Inkasta oo Cumaan iyo Masar midkoodna uusan arintaan ka hadlin haddana waxaa xooggan wararka sheegaya in boqorka Cumaan uu dhex-dhexaadin ka dhex wado labada wadan.

Sucuudiga iyo Iiraan ayaa dhawaan xiriirkooda soo celiyay iyaga oo dib u furay xarumaha Dublamaasiyada halka Suuriyana dib ay u heshay booskeeda Jaamacadda Carabta taasi oo u muuqata dabayl cusub oo ka dhalatay bariga dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM