Da'yarkii faafiyey sirta Mareykanka oo lasoo taagay maxkamad

Image
Dambiga koowaad oo ah dusinta dukumiiniyadda ayaa kaliya waxa uu ku muteysan araan ilaa 10 sano oo xarig ah.

WASHINGTON, USA - Sarkaalka ka tirsanaa ciidamada cirka Maraykanka ee lagu eedeeyay in uu faafiyay dukumentiyo sir ah ayna ku jiraan macluumaad xasaasi ah ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Boston.

Jack Teixeira, oo 21 jir ah, ayaa Jimcihii todobaadkii hore waxa uu hortagay garsoore heer federaal ah isaga oo ku jaabasadeysan katiinado isla markaana xiran lebbiska maxaabiista.

Kadib markii qof ku sugnaa qolka maxkamada uu ku qayliyay "waan ku jecelahay, Jack" oo ka soo yeedhay, eedaysanuhu wuxuu ku jawaabay "adiguna sidoo kale, aabe".

Mr Teixeira oo sanadkii 2020-kii dhameeyay dugsiga sarre ayaa wajihi doona ilaa 15 sano oo xarig ah kadib markii lagu soo oogay eedeymo la xiriira gudbinta xogta wasaaradda difaaca iyadda oo aan la fasaxin.

Da'yarkan khabiirka ku ahaa ammaanka internet-ka ayaa si lamid ah waxaa kale oo lagu soo oogay dacwado kale oo ah faafinta iyo in uu haystay dukumentiyada sirta ah iyadda oo aan loo fasaxin.

Dambiga koowaad oo ah faafinta dukumiiniyadda ayaa kaliya waxa uu ku muteysan araan ilaa 10 sano oo xarig ah, halka midka labaadna uu wajahayo ilaa 5 sano oo xarig ah.

Tobaneeyo dukumeenti oo si qarsoodi ah loo helay ayaa daaha ka rogay qiimeynta Mareykanka ee dagaalka Ukraine iyo sidoo kale siro xasaasi ah oo ku saabsan xulafada Mareykanka.

Macluumaadka la faafiyay ayaa weji gabax ku noqotay xukuumadda Washington waxayna su'aalo cusub ka keeneen ammaanka macluumaadka sirta ah ee ay soo uruuriyeen hay'adaha mukhaabaraadka Mareykanka ee dunida ugu sareeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM