Da'yarkii faafiyey sirta Mareykanka oo lasoo taagay maxkamad

Image
Dambiga koowaad oo ah dusinta dukumiiniyadda ayaa kaliya waxa uu ku muteysan araan ilaa 10 sano oo xarig ah.

WASHINGTON, USA - Sarkaalka ka tirsanaa ciidamada cirka Maraykanka ee lagu eedeeyay in uu faafiyay dukumentiyo sir ah ayna ku jiraan macluumaad xasaasi ah ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Boston.

Jack Teixeira, oo 21 jir ah, ayaa Jimcihii todobaadkii hore waxa uu hortagay garsoore heer federaal ah isaga oo ku jaabasadeysan katiinado isla markaana xiran lebbiska maxaabiista.

Kadib markii qof ku sugnaa qolka maxkamada uu ku qayliyay "waan ku jecelahay, Jack" oo ka soo yeedhay, eedaysanuhu wuxuu ku jawaabay "adiguna sidoo kale, aabe".

Mr Teixeira oo sanadkii 2020-kii dhameeyay dugsiga sarre ayaa wajihi doona ilaa 15 sano oo xarig ah kadib markii lagu soo oogay eedeymo la xiriira gudbinta xogta wasaaradda difaaca iyadda oo aan la fasaxin.

Da'yarkan khabiirka ku ahaa ammaanka internet-ka ayaa si lamid ah waxaa kale oo lagu soo oogay dacwado kale oo ah faafinta iyo in uu haystay dukumentiyada sirta ah iyadda oo aan loo fasaxin.

Dambiga koowaad oo ah faafinta dukumiiniyadda ayaa kaliya waxa uu ku muteysan araan ilaa 10 sano oo xarig ah, halka midka labaadna uu wajahayo ilaa 5 sano oo xarig ah.

Tobaneeyo dukumeenti oo si qarsoodi ah loo helay ayaa daaha ka rogay qiimeynta Mareykanka ee dagaalka Ukraine iyo sidoo kale siro xasaasi ah oo ku saabsan xulafada Mareykanka.

Macluumaadka la faafiyay ayaa weji gabax ku noqotay xukuumadda Washington waxayna su'aalo cusub ka keeneen ammaanka macluumaadka sirta ah ee ay soo uruuriyeen hay'adaha mukhaabaraadka Mareykanka ee dunida ugu sareeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM