Daadadkii ku dhuftay Liibya: Magaalo lagu qiyaasay dadkii ku dhintay 20 Kun oo qof

Image

DERNA, Liibya - Duqa magaalada Derna, Cabdulmuncim Al-Ghaithi, ayaa sheegay Arbacada in tirada dadka ku dhintay magaalada kadib daadadkii ku dhufatay Liibiya ay ka badan karto 20,000 oo qof.

Al-Ghaithi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay burburka soo gaaray magaalada ku taalla bariga Liibiya, taasoo ka dhalatay daadadka ay sababtay duufaanta “Daniel”.

Mas’uulka ka tirsan maamulka magaalada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xaaladda magaalada Derna ay aad u adagtahay, isaga oo yiri:

"Tirada dhimashada waxay dhaafi kartaa 20,000, marka la eego tirada dadka ku nool meelaha ay dhibaatadu saameysey."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM