Dab qabsaday warshadda diyaaradaha drones-ka ee Mareykanka

Image
Baaritaan ayaa la filayaa in lagu sameeyo si loo ogaado waxa keenay dabka.

WASHINGTON, USA - Dab ayaa ka kacay warshad  lagu far-sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo ku taal Latvia, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Talaadadii.

Warshada ayaa lagu magacaabaa Edge Autonomy taasoo la sheegay inay soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee milatariga Ukraine iyo xulafada NATO.

Wargeyska maalinlaha ah ee LSM soo xiganaya Adeegga Badbaadinta iyo Dabdemiska ee Gobolka Latvia (VUGD) ayaa daabacay in si degdeg ah loo damiyey dabka.

"Dab khatar badan ayaa ka kacay goob wax soo saar ah, waxaana ka dhashay qiiq aad u badan oo waxyeello u geysan kara caafimaadka bini'aadamka, guutooyinka VUGD ayaa ku howlan daminta dabka," ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee VUGD.

Lama oga waxa sababay dabkan. Baaritaan ayaa la filayaa in lagu sameeyo si loo ogaado waxa keenay. Wararka horudhac ah waxay sheegayaan in ay suurtagal ay tahay in ay ka dhalatay koronto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM