Dad ay caruur ku jiraan oo lagu laayay toogasho wadareed

Image
Booliska ayaa qofka toogashada geystay ku sheegay gabadh 28 jir ah, Audrey Hale.

WASHINGTON, USA - Lix ruux ayaa lagu dilay - saddex qof oo waaweyn iyo saddex carruur ah, oo da'doodu u dhaxayso siddeed iyo sagaal jir, kadib toogasho ka dhacdey dugsi hoose oo lagu faafiyo diinta Masiixiyadda.

Caruurta dhimatay ayaa kala ah; Evelyn Dieckhaus, Hallie Scruggs iyo William Kinney. Dadka waaweyn ee la dilay waxaa ku jira madaxa dugsiga Katherine Koonce, 60-jir, Cynthia Peak, 61-jir, iyo Mike Hill, 61-jir.

Booliska ayaa qofka toogashada geystay ku sheegay gabadh 28 jir ah, Audrey Hale, taasoo ay boolisku toogteen. Saraakiisha ayaa wali baaraya sababta ay falkan u geysatay.

Hale ayaa la rumeysan yahay in ay ahayd arday hore oo iskuulka wax ka baran jirtay. Mas'uuliyiin ayaa tuhunsan in sababaha falkan ay u geystay ay qeyb ka tahay "xanaaq ay qaadey".

Hubka ay falkan ku geysatay ayaa lagu waramay in uu kala ahaa laba qori oo mid kamid ah uu daran-daroori u dhaco. Warbixinada waxay xusayaan in hubka ay si sharci ah ku iibsatay.

Hale ayaa u adeegsatay mid ka mid ah qoryahan in ay ku burburiso albaabada laga soo galo iskuulka si ay gudaha ugu galaan kahor inta aysan ciidamadda toogasho ku khaarijin.

Toogashada ka dib, Madaxweyne Joe Biden waxa uu soo cusboonaysiiyay baaqyada ku saabsan sharciga xakamaynta hubka. Dhanka kale, iskuulka ayaa si degdeg ah waxa uu u marigeliyey munaasabad lagu xusay dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM