Dad badan oo ku nafwaayey qaraxyo ka dhacay Afghanistan

Image
Jalalabad waa caasimadda gobolka Nangarhar, oo ah xudunta ISKP fagaalo gacansaar la leh kooxda Daacish.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimatay halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afqaanistaan ​​iyo caasimadda Kabul, sida ilo wareedyo Taliban ay u sheegeen Al Jazeera.

Khasaaraha ayaa yimid kadib markii qaraxyo la farsameeyay ay dhaceen Sabtidii, sida ay ilo -wareedyadu sheegeen.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya goobjoogayaal iyo ilo amni ayaa sheegay in dhimashadu ay ka dhalatay ugu yaraan afar qarax Sabtidii ka dhacday caasimadda gobolka Nangarhar.

Illaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weeraradan. Jalalabad waa caasimadda gobolka Nangarhar, oo ah xudunta ISKP fagaalo gacansaar la leh kooxda Daacish.

Ugu yaraan laba qof ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday baabuur wax yar ka hor duhurkii xaafadda Dasht-e-Barchi ee Kabul.

Kooxda Taliban ayaa xoog ku soo gashay Kabul bartamihii bishii Ogosto, iyagoo afgembiyey dowladda markii ciidamada caalamiga ah ee uu horkacayo Mareykanka ay dhameystireen ka bixitaankooda Afghanistan. Kooxdu waxay ballanqaadday inay amniga ku soo celinayso waddanka rabshaduhu ka socdaan.

Daad-gureynta horkacayey Mareykanku laguna qaadaayey shisheeyaha iyo Afgaanistaan ​​ee u shaqeynayay ciidamada caalamiga ah ayaa waxaa hareeyay weerar bambaano oo khasaare badan geystay oo ay sheegatay ISKP kaas oo ay ku dhinteen dad aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ciidamada Mareykanka ha toogtaan doon kasta oo miino dhigaysa Hormuz

Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidamada badda Iran oo la wareegaya maraakiibtaas.

  • Caalamka

    23-04-2026

  • 01:46PM

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM