Dad Eritrean ah oo Xaflad ka dhacday dalka Sweden u badalay dagaal

Image

STOCKHOLM - Mucaaradka dowladda Eritrea ayaa xoog ku galay xafladd ka dhacday caasimadda Sweden oo ay qaban qaabiyeen taageerada dawladda Isaias Afwerki. Waxaana isku dhacyadaani ku dhaawacmay tobaneeyo labada dhinac isugu jira.

Ku dhawaad kun qof oo mucaarad ku ah dowladda Eritrea ayaa isugu soo baxay agagaarka goobta ay ka dhacayso xafladda, kadib markii booliska Sweden ay u ogolaadeen. balse kuma ekaan intaas, iyaga oo gudaha u galay, burburiyeyna teendhooyinkii laga dhisay.

Booliska Sweden ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in ay xabsiga u taxaabeen dad gaaraya 100 ilaa 200 oo qof, ka dib markii ay rabshado ka sameeyeen goobta ay mucaaradku isugu yimaadeen oo u dhowaa xafladda.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ay goobta askar dhigeen si ay u xakameeyaan falalka dambiyada ah una soo celiyaan kala dambeynta, iyagoo xaqiijiyay in baaritaan lagu furay dhacdooyinkan oo isugu jira dab qabad iyo carqaladeyn lagu sameeyay shaqada booliska.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan 25 qof ay u baahnaayeen daryeel caafimaad, kuwaas oo xaaladoodii lala tacaalay goobta xafladda lafteeda ama xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada u dhow.

Tobanaan kun oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Eritrea ayaa ku nool dalka Sweden, xafladan ayaana ahayd mid loogu talagalay in lagu soo bandhigo dhaqanka iyo hiddaha dalka, balse dadka kasoo horjeeda ayaa aaminsan in ay noqotay aalad lagu buunbuuninayo dowladda Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM