Dad ku dhintey toogasho ka dhacdey xaflad qalin-jabin jaamacad

Image
Maraykanka ayaa waxaa caado ka noqotey toogashada baahsan ee ka dhacaysa goobaha caamka ah.

WASHINGTON, United States - Nin ku hubeysnaa afar qori ayaa dilay labo qof, shan kalena dhaawacay, kaddib markii uu rasaas ku furay dad isugu soo baxay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday magaalada Richmond ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sidda uu xaqiijiyey taliska ciidamadda booliska.

Bileyska ayaa shaaciyey in ay xireen hal tuhmane, oo 19 jir ah, kaas oo lala xiriirinayo toogashadii Talaadadii ka dhacday meel u dhow tiyaatar ay xafladda qalin jebinta ka dhacday oo ku dheggan dhismaha Jaamacadda Commonwealth ee Virginia.

Eedeysanaha ayay u badan tahay in lagu soo oogo laba dacwadood oo ah dil darajada labaad ah marka lagu daro dambiyada kale, sida uu shir jaraa’id u sheegay madaxa ku meel gaarka ah ee bilayska Richmond, Rick Edwards.

Edwards waxa uu hab-dhaqanka qofka weerarka gaystay ku tilmaamay “wax laga yaqyaqsoodo oo fulaynimo ah”, maadaama hadafkiisu uu u muuqday mid hal qof uun ah.

"Dadka dhintay ayaa kala ahayd 18 jir iyo 36 jir," ayuu yiri Edwards. "Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah, nin 31 jir ah waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, afar kale oo rag ah oo da'doodu tahay 14, 32, 55 iyo 58 ayaa la filayaa inay badbaadaan".

Intaa waxaa dheer, in gabar sagaal jir ah uu baabuur ku jiiray qalalaasaha ka dhashay, halka dad badan oo kale ay ku dhaawacmeen dhicitaan ama ay la kulmeen walaac, sidda laga soo xigtey Edwards.

"Eedeysanaha ayaa goobta ka baxsaday isagoo lugeynaya, waxaana lagu qabtay afar qori oo gacmeed, saddex ka mid ah laga yaabo in uu toogashada ku fuliyey," ayuu yiri Edwards.

Maraykanka ayaa waxaa caado ka noqotey toogashada baahsan ee ka dhacaysa goobaha caamka ah sida iskuulada, xarumaha laga dukaameysto iyo kaniisadaha. Tani waxay furtey dood aan wali dhamaan oo ku saabsan xakameynta hubka hase ahaatee warshadaha hubka sameeya ayaa si weyn uga soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM