Dad ku naf-waayay dhul-gariir ku dhuftey Afghanistan iyo Pakistan

Image
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto maadaama wali la goobayo dad horleh.

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 6.5 uu ku dhuftay degaano ka tirsan Afghanistan iyo Pakistan xilli sidoo kale laga dareemay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

Si gaar ah waqooyi-galbeed Pakistan, ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay 44 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda. Isbitaalada ku yaal waqooyiga gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa xalay la geliyay xaalad degdeg ah.

Dhinaca Afgaanistaan, ugu yaraan afar qof ayaa ku naf-waayay 50 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xudunta dhulgariirka ayaa 40 KM (25 mayl) koonfur bari kaga beegan magaalada Jurm ee dalka Afgaanistaan, una dhow xudduudaha Pakistan iyo Tajikistan, sida ay sheegtay hay'adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGS) Talaadadii.

Dhulgariirka ayaa si lamid ah waxaa laga dareemay dhul in ka badan 1,000 KM (621 mayl) ayna ku nool yihiin ilaa 285 milyan, sidda ay shaaca ka dhigeen hay'adaha ku shaqada leh.

Dalalka laga dareemay waa Pakistan, India, Uzbekistan, Tajikistan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Afgaanistaan ​​iyo Turkmenistan, sida ay sheegtay xarunta seismological Seismological European-Mediterranean.

In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay sannadkii hore ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.1 uu ku dhuftay bariga Afgaanistaan. Sannadkii 2005, ugu yaraan 73,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.6 oo ku dhuftay waqooyiga Pakistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM