Dad ku nafwaayay diyaarad ku dul-burburtey guri la dagan yahay

Image
Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay olal weyn oo dab ah.

MOSCOW, Russia - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay kadib markii diyaarad dagaal ay ku burburtay dhismo ay dad degan yihiin magaalada Yeysk ee dalka Ruushka ka dib markii uu ciladoobay matoorka.

Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay olal weyn oo dab ah oo ka soo baxaysa wax u muuqday dhismo dhowr dabaq ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wargeliyay dabka, wuxuuna amar ku bixiyay "dhammaan gargaarka lagama maarmaanka ah in la siiyo dhaawacyada ka dhashay shilka diyaaradeed," sidda uu Aqalka Kremlin u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda ee TASS.

Dabka qabsaday dhismo ka kooban sagaal dabaq ayaa la xakameeyay oo ku dhawaaday in la damiyo, sida uu Telegram ku sheegay barasaabka gobolka Veniamin Kondratyev.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka xukuumadda Moscow ay ku qaadey dalka ay dariska yihiin ee Ukraine, duulimaadyadda hawadda sarre ee koonfurta Ruushka waa la xiray.

Shilalka ku lug leh diyaaradaha rayidka ee Ruushka iyo diyaaradaha dagaalka ayaa ah kuwo caadi ah, badanaa waxaa sababa cilad farsamo ama qalad bani'aadam.

Bishii June, diyaarad militari ayaa ku burburtay magaalada Ryazan ee koonfur bari ka xigta Moscow, waxaana ku dhintay afar qof shan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Yeysk ayaa ku taal gacanka Taganrog ee ku taal badda Azov, kana soo horjeedda magaalada Yukreeniyaan ee Mariupol, taasoo uu maamulo Ruushka. Magaaladu waxay hoy u tahay ilaa 85,000 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM