Dad lagu dilay meel u dhow macbad ay leeyihiin Yahuuda

Image
Qulqulatooyinkan ayaa imaanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ku wajahan yihiin Israa'iil.

LONDON, UK - Nin hubeysan ayaa ugu yaraan toddobo qof ku dilay meel u dhow macbad ay Israa’iil leedahay oo ku yaalla bariga Quddus. Booliska ayaa sheegay in dableyga ay toogteen ciidamadda ammaanka.

Kooxda gaadiidka gurmadkad degdeg ah ee lagu magacaabo Magen David Adom ayaa sheegay in ay daweynayeen 10 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan. Hay’adda gurmadka degdega ah ayaa intaas ku dartey in guud ahaan 10 qof ay ku dhaawacmeen toogashadda, oo ay ku jiraan nin 70 jir ah iyo wiil 14 jir ah.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib weerar khasaara badan dhaliyay oo ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Sagaal falastiiniyiin ah ayaa la dilay, oo ay ku jirto haweeney da’ ah, ka dib markii tobaneeyo askari oo Israa’iiliyiin ah ay weerareen guri ay ciidamadu sheegeen inay ku jiraan dagaalyahanno looga shakisan yahay Xamaas taasoo keentay iska hor imaadyo xooggan ah.

Nin Falastiini ah oo 22 jir ah ayaa sidoo kale waxay ciidamada Israa’iil ay ku toogteen magaalada al-Ram ee waqooyiga magaalada Qudus Khamiistii todobaadkii lasoo dhaafay.

Qulqulatooyinkan ayaa sidoo kale waxay ku soo beegmayaan maalmo ka hor socdaalka la filayo in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu booqdo Israel iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Rabshadahan ayaa sii kordhiyey walaaca laga qabo in iskahorimaadka aan la saadaalin karin uu faraha ka baxayo, taasoo dhalinaysa iska horimaad ballaaran oo u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil.

Israa'iil iyo kooxda reer Falastiin ee Xamaas ayaa ku dagaalamay afar dagaal iyo dhowr iska horimaadyo yaryar tan iyo markii kooxdan ay la wareegtay awoodda Gaza sannadka amrkii uu ahaa 2007.

Xiisad ayaa sare u kacday tan iyo markii Israa'iil ay kordhisay duullaanka ay ku hayso Daanta Galbeed ee la haysto bishii March ee la soo dhaafay. Dadka badan ee waxyeeladda ay soo gaartey waxay yihiin shacab.

GAROWE ONLIE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM