Dagaal afeed oo dhex maray Israa’iil & Koonfur Africa

Image
Israa’iil ayaa ku eedaysay Xamaas inay mas’uul ka tahay dhibaatada ay la kulmayaan Falastiiniyiinta,

QASA (GO) - Israa'iil ayaa ka jawaabtay codsigii Koonfur Afrika ee ahaa in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay soo saarto amar degdeg ah oo ay ku cadeynayso in Tel Aviv ay ku xad-gudbayso Axdiga “ka hortagga Xasuuqa”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa ku eedaysay Xamaas inay mas’uul ka tahay dhibaatada ay la kulmayaan Falastiiniyiinta, waxayna ku eedaysay inay gabaad ka dhigtaan shacabka reer Falastiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in sheegashada Koonfur Afrika ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna intaas ku dartay: "Israa'iil waxay si cad u sheegtay in dadka deggan Marinka Qasa aysan ahayn cadaw, ayna ku dadaalayaan sidii ay u xaddidi lahaayeen waxyeellada ay u geysanayaan dadka aan qeyb ka ahayn dagaalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Lior Hayat ayaa ku sheegay bogga uu ku leeyahay mareegga “X”:

“Israa’iil waxa ay diidday sumcad-dilka ay faafinayso Koonfur Afrika iyo codsigii ay u gudbisay maxkamadda cadaaladda ee Hague.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM