Dagaalka 3aad ee Adduunka mar hore ayuu bilaabmay - madaxa amniga Ukraine

Image

Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee Ukraine ayaa ku andacoonaya in dagaalkii saddexaad ee adduunka uu horay u billowday, iyada oo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu kusoo jiiday dalal ka fog gobolka Bariga Yurub.

Isagoo ka hadlayay Madasha Amniga ee Kiev Talaadadii, Aleksey Danilov ayaa ku dooday in NATO ay u baahan tahay Ukraine xubin ahaan, maadaama qalalaasaha caalamiga ah uu sii socon doono. "Waxaan dooneynaa inaan xoojinno isbaheysiga," ayuu yiri.

"Haddii qof u maleeyo in Dagaalkii Adduunka 3aad uusan bilaaban markaas waa qalad weyn. Horay ayuu u billowday. Waxuu soo socday muddo ka badan sanad,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isagoo ag fadhiya Agaasimihii hore ee CIA-da David Petraeus, Danilov wuxuu yiri "haddii qof u maleeyo in [isku dhaca Ukraine iyo Ruushka] uu yahay mid labo dal u dhaxeeyo ma ahan sax, ee waa dagaal dalalka quwadaha Caalamka soo galeen. Arrimuhu aad bay u dhib badan yihiin.”

Petraeus waxa kale oo uu iftiimiyay baaxadda khilaafka Ruushka iyo Ukraine, isaga oo yiri: "Ma arag wax la mid ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka,".

"Ruushka si gaar ah uguma firfircoona goobta dagaalka, laakiin waxay abuureen nidaam difaac oo aad u wanaagsan, wayna adagtahay in laga adkaado," ayuu yiri.

Talaadadii, Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee uu socday weerarka, Ukraine ay lumisay ilaa 66,000 oo askari iyo 7,600 oo hub culus ah halka ay ku guuldareysatay inay gaarto guulo la taaban karo. Kiev ayaa ilaa hadda sheegtay in laga qabsaday dhowr tuulo oo yaryar, balse waxay waxyar u jiraan difaacyada ugu muhiimsan ee Ruushka. Isagoo ka hadlayay weerarka iska horimaadka ee Ukraine horaantii isbuucan, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku adkeystay in "aan la joojin; waa guul darro.”

Moscow ayaa bilooyin sheegtay in dagaalka Ukraine uu yahay "dagaal dibada laga keenay" oo ay Mareykanka iyo xulafadiisa NATO ku hayaan Ruushka. Waxay ka digtay in sahayda hubka iyo tababarka ciidamada Kiev iyo wadaagga sirta ay ka dhigan tahay in wadamada reer galbeedka ay mar horeba ahaayeen dhinacyada iskahorimaadka.

Ruushka, oo NATO u arka koox cadaawad ah, si adagna uga soo horjeeda balaadhinta dhinaca bari, ayaa sidoo kale iftiimisay rabitaanka Kiev ee ku biirista isbahaysiga milatari ee uu Maraykanku hoggaamiyo oo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee hawlgalkooda millatari ee Ukraine laga bilaabay Febraayo 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM