Dagaalka Qasa oo galay maalintii 100-aad xilli dhimashadu ay kor u dhaaftay 23 Kun

Image
Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay, in ka badan 60,317 waa ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil.

QASA (GO) - Dad aad u farabadan ayaa bannaanbaxyo lagu dalbanayo xabad-joojin laga sameynayo Qasa ka dhigay dalal badan oo dunida ah, iyaga oo taageero u muujinaya qadiyadda shacabka ku dhaqan Falastiin.

Kaqeybgalayaasha dibadbaxyadaasi ayaa ku baaqay in la sameeyo xabad-joojin lagu badbaadinaayo dadka rayidka ah ee u baahan gargaarka biniaadanimo sida cunto, dawo, iyo shiidaal .

Dibadbaxyadan ayaa ku soo aadaya maalintii100-aad ay Israa’iil ku waddo marinka Qasa iyo shacabka ku nool duulaan qaawan oo ay cambaareeyeen inta badan ee wadamada caalamka.

Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay,in ka badan 60,317 waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM