Dagaalkii Iran oo hoos u dhigay kaydka gantaallada Patriot ee Mareykanka
WASHINGTON - Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Yurub ayaa wajahaya yaraansho weyn oo ku timid gantaallada casriga ah ee difaaca cirka, gaar ahaan gantaallada Patriot, kaddib markii qayb badan oo ka mid ah kaydka Mareykanka loo diray Bariga Dhexe intii uu socday dagaalkii Iran.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ku sugan Yurub ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan haysan gantaallo Patriot oo ku filan inay iska difaacaan weerar ballaaran oo Ruushku u adeegsado gantaallada ballistic-ka.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in awoodda difaaca ay xitaa xaddidnaan lahayd haddii Ruushku qaado hal weerar oo noocaas ah.
Sarkaal ka tirsan NATO ayaa isna xaqiijiyay in kaydka gantaallada Patriot ee ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafadooda Yurub uu aad u yaraaday. Si kastaba, NATO waxay diiday in xaaladda lagu tilmaamo mid “aad u daran oo aan la xakamayn karin”.
Yaraanta gantaalladan waxaa sababay dhowr arrimood. Intii uu socday maamulkii madaxweynihii hore Joe Biden, Mareykanka ayaa Ukraine u diray ku dhawaad 600 oo gantaal oo Patriot ah. Dagaalkii Iran ayaa sidoo kale sababay in si weyn loo isticmaalo gantaallada ku jiray kaydka Mareykanka.
Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (CSIS) ayaa qiyaastay in ku dhawaad 1,500 gantaal oo Patriot ah laga isticmaalay dagaalka Iran, iyadoo Mareykanku haystay ku dhawaad 2,330 gantaal ka hor inta aan dagaalku bilaaban.
Dalalka Yurub ayaa haysta nidaamka difaaca cirka ee SAMP/T, oo ay sameeyaan Faransiiska iyo Talyaaniga, balse nidaamkan ayaa leh awood iyo masaafad ka gaaban Patriot. Nooca cusub ee SAMP/T NG-na weli si rasmi ah looguma tijaabin dagaal.
Waxaa la filayaa in wax-soo-saarka gantaallada Patriot uu kordho, balse arrintaasi waqti ayay qaadan doontaa. NATO waxay filaysaa in xaruntii ugu horreysay ee Yurub loogu soo saaro gantaallada Patriot, oo laga dhisayo Jarmalka, ay bilaabi karto keenista gantaallada horraanta 2027.
Mareykanka ayaa sidoo kale kordhinaya wax-soo-saarka gantaallada Patriot, iyadoo qorshuhu yahay in sannadkii la soo saaro ilaa 2,000 gantaal marka la gaaro 2030.
Inkasta oo kaydka gantaallada difaaca cirka uu yaraaday, haddana ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaysa in Ruushku diyaarinayo weerar dhow oo uu ku qaado dalalka NATO. Ruushka laftiisa ayaa wajahaya culaysyo ciidan iyo agab oo ka dhashay dagaalka Ukraine.
Si kastaba, yaraanta gantaallada Patriot waxay abuurtay nuglaansho ku-meel-gaar ah oo ku timid awoodda difaaca cirka ee Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub, xilli ay isku dayayaan inay dib u buuxiyaan kaydkooda.
GAROWE ONLINE