Dal Afrikaan ah oo codsaday in dambiyo dagaal loo maxkamadeeyo madaxda Israa’iil

Image

JOHANNESBURG (GO) - Koonfur Afrika ayaa Jimcihii ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in ay baaritaan ku sameyso madaxda Israa’iil ee dambiyada dagaal iyo xasuuqa ka geystay marinka Qasa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa u yeertay safiirka Israa’iil si ay uga gudbiyaan cabshasooda ku aadan waxay ku tilmaantay hab-dhaqankooda la xiriira dagaalka Qasa.

Horaantii todobaadkan, Koonfur Afrika waxay dib ugu yeertay dhammaan dublamaasiyiinteeda u fadhiya Israa'iil.

Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in Qasa la geeyo ciidan ilaaliya dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

Duqeymahan Israa'iil oo socday muddo bil ah ayaa ku dhintay in ka badan 11,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan carruur iyo dumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM