Dal Afrikaan ah oo codsaday in dambiyo dagaal loo maxkamadeeyo madaxda Israa’iil

Image

JOHANNESBURG (GO) - Koonfur Afrika ayaa Jimcihii ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in ay baaritaan ku sameyso madaxda Israa’iil ee dambiyada dagaal iyo xasuuqa ka geystay marinka Qasa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa u yeertay safiirka Israa’iil si ay uga gudbiyaan cabshasooda ku aadan waxay ku tilmaantay hab-dhaqankooda la xiriira dagaalka Qasa.

Horaantii todobaadkan, Koonfur Afrika waxay dib ugu yeertay dhammaan dublamaasiyiinteeda u fadhiya Israa'iil.

Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in Qasa la geeyo ciidan ilaaliya dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

Duqeymahan Israa'iil oo socday muddo bil ah ayaa ku dhintay in ka badan 11,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan carruur iyo dumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM