Dalal Yurub ah oo ku heshiiyay aqoonsiga dowladda Falastiin

Image
Dowladaha Ireland, Spain iyo Norway ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin aqoonsiga Falastiin.

Qasa (GO) - Dowladaha Ireland, Spain iyo Norway ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah u aqoonsadaan dowlad Falastiin ah, sida ay Jimcihii sheegeen ra'iisul wasaaraha saddexda waddan.

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez oo ku baaqay in la aqoonsado dowlad Falastiin ayaa jimcihii tagay Oslo ka dibna Dublin, halkaas oo uu labo shir jaraa’id oo wada jir ah kula qaatay dhiggiisa Norway iyo Ireland, Jonas Gahr Sture iyo Simon Harris.

Harris ayaa yiri: "Waxaan rumaysanahay in xilligan (aqoonsiga dawladda Falastiin) ay soo dhowdahay, waxaana jeclaan lahayn in dalal kale ay nagu soo biiraan.”.

Dhankiisa, Sanchez ayaa xusay in Ireland iyo Spain ay ka go'an tahay aqoonsiga Falastiin dowlad ahaan marka ay buuxiso shuruudaha iyaga oo aan cayimin waxa ay yihiin.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM