Dalalka carabta oo ka gaabsadey gulufka Putin ee Ukarine

Image
Imaaraadka Carabta ayaa ka aamusay qaraar golaha ammaanka ku cambaareeyay duulaanka.

DOOXA, Qatar - Imaaraadka Carabta ayaa kaga yaabiyey xulafadiisa reer galbeedka todobaadkii hore markii ay ka aamuseen go’aan uu soo diyaariyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Talaabadan ayaa noqotay mid dhexdhexaadnimo ah oo ka soo baxday mid ka mid ah xulafada ugu dhow Maraykanka ee Bariga Dhexe ee dagaalka ka dhex abuuray beesha caalamka.

Anwar Gargash, oo ah la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in dhinac kasta ay horseedi doonto oo kaliya rabshado kale, wuxuuna sheegay in muhiimada Imaaraadka ay tahay “in la dhiirigaliyo dhammaan dhinacyada inay qaadaan tillaabooyin diblumaasiyadeed iyo inay ka wadahadlaan sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa.

Dagaalka Ukraine oo bilowday wax ka yar laba bilood ka dib markii Imaaraadku fadhiisin ku yeeshay golaha ammaanka, ayaa siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaas ee is beddel galiyay gaar ahaan masraxa caalamka, taas oo muujinaysa sida dawladda khaliijku isugu daydo inay ilaalisho xidhiidhka ka dhexeeya xulafada soo jireenka ah iyo iskaashiga kobcaya. Waxa kale oo ay muujinaysaa halgankii ay reer galbeedku kala kulmeen sidii ay u cambaarayn lahaayeen duulaanka Ruushka ee xulafadiisa.

"Imaaraadku wuxuu ku baaqay xal nabadeed oo lagu xaliyo xiisadda Ukraine si loo dammaanad qaado danaha iyo amniga qaranka dhammaan dhinacyada," ayuu yiri dhaxal-sugaha Abu Dhabi oo Talaadadii la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxay sidoo kale ka wada hadleen iskaashiga tamarta.

Wadamada kale ee Carabta ayaa iyaguna ka gaabsaday inay cambaareeyaan duulaanka Ruushka. Sacuudi Carabiya, oo Ruushka u tixgalinaysa inuu yahay saaxiibka ugu weyn ee OPEC + isbahaysiga si loo agaasimo wax soo saarka saliidda, ayaa Talaadadii sheegay "inay taageereyso dadaallada debcinta caalamiga ah ee Ukraine."

Jaamacadda Carabta ayaa Isniintii sidoo kale ku baaqday in xiisadda la dejiyo oo la xakameeyo kadib bayaan wadajir ah. Midkoodna ma cambaarayn waxa reer Galbeedka ugu yeereen "gardarrada" Ruushka ee Ukraine.

Sida muuqata Imaaraadku wuxuu u gogol xaarayaa siyaasad arrimo dibadeed oo madax-banaan taasoo ku soo beegmaysa iyadoo Abu Dhabi ay ka caraysan tahay sida maamulka Biden ula dhaqmayo arrimaha muhiimka u ah waddanka Khaliijka.

Wax yar ka dib markii uu xafiiska yimid Biden, waxa uu liiska argagixisada ka saaray fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto Yemen. Wax ka yar hal sano ka dib, Xuuthiyiinta ayaa bilaabay olole ay ku duqeynayaan Abu Dhabi.

Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono difaaca Imaaraadka, balse Abu Dhabi waxa ay dooneysaa in Xuutiyiinta oo Jamhuuriyadda Iiraan ay taageerto loo aqoonsado urur argagixiso.

Bishii Disembar, Imaaraadku wuxuu hakiyay wadahadal uu Mareykanka kula galay 23 bilyan oo doolar si uu u helo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ka dib markii wadahadalka uu joojiyay maamulka Biden.

Kadib hakintas, bishii hore, waxay ku dhawaaqday inay soo iibsanayso diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha markii ugu horeysay abid. Dhanka kale, xiriirka Moscow ayaa sii xoogeystay. Waa sababta loo aaneynayo in ay haatan ka aamusaan duulaanka dunida naqdiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM