Dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger oo isaga baxay ururka (ECOWAS)

Image
Tallaabadan ayaa albaabka u furaysa suurtogalnimada burburka ururka.

Abuja (GO) - Maamullada militariga ee ka taliya Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa ku dhawaaqay inay si degdeg ah uga baxayaan ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS).

Bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa lagu yiri: "Waxaan go'aansanay inaan si deg deg ah uga baxno Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika annagoo qaadayna mas'uuliyadda taariikhiga ahi ee ina hor taalla, kana jawaabayna rajooyinka iyo rabitaanka dadkeena,".

ECOWAS oo ay ku jiraan 15 wadan ayaa dhabarjabkan xanuunka badan kala kulmay 3 wadan oo saamayn ku leh Galbeedka Afrika, taasoo albaabka u furaysa suurtogalnimada burburka ururka.

Khubaradu waxay tillaabadan u arkaan inay tahay khasaare weyn oo soo gaartay ururka, iyadoo aanay jirin wax xal ah oo lagu soo dabooli kara xiisada ka aloosan labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM