Dambiyada ay geysanayaan kooxaha burcadka ah oo ku sii badanaya dalka Sweden

Image

STOCKHOLM - Dowladda Sweden ayaa sheegtay in ay Ciidamada fursad u siin doonto si ay uga caawiyaan booliska sugida amniga iyo ka hortaga falalka dambi ee dhawaanahan ku sii fidaya dalka, kaas oo ay ku dhinteen 12 qof bishii September oo kaliya.

Dilka ayaa noqday mid si maalinla ah uga dhaca dalkaas, iyadoo inta badan falalkaasi ay geystaan ​​kooxo burcad ah oo ka kooban tiro dhalinyaro ah.

Sharciga Sweden ayaa hadda mamnuucaya in ciidamadu ay ka caawiyaan booliiska xaalad kasta oo ay lagama maarmaan tahay in loo isticmaalo xoog, marka laga reebo weerarada argagixisada.

Ka dib kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada booliska iyo kuwa qalabka sida, Ra’iisul Wasaare Ulf Kristjersson ayaa sheegay in ciidamada iyo booliska ay si rasmi ah uga wada hadli doonaan hababka ay ku wada shaqeyn lahaayeen.

Dawladdu waxay sidoo kale tixgelin in wax ka badal lagu sameeyo sharciga si ay u ballaariso baaxadda xaaladaha ay booliisku ku codsan karaan kaalmo milatari, inlastoo aan wax faahfaahin wali laga bixin.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM