Danjire ka gaabsadey in uu gacan-qaado boqoradda Spain

Image
Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa muuqaalkan ku faafay barta Twitter-ka.

LONDON, United Kingdom - Safiirka Iran ee Spain, Hassan Ghashghavi, ayaa ka gaabsadey in uu salaamo boqorad Letizia. Danjiraha wuxuu kamid ahaa koox diblumaasiyiin ah oo lagu casuumay qasriga Zarzuela.

Muuqaallka oo aad loogu faafiyey barta Twitter-ka ayaa waxa uu muujiyey iyadda oo Ghashghavi uu salaamayo Boqor Felipe VI laakiin uusan gacan-qaadin boqorad Letizia oo dhinaciisa taagneyd.

Taageerayaasha boqortooyada ayaa, sida laga soo xigtay Daily Mail, waxay aaminsan yihiin in talaabadda safiirka Iran ay tahay "xushmad darro" iyo "wax laga xumaado."

Dadka aragtidooda ku dhiibtey baraha bulshadda ayaa iftiimiyay in markii danjiraha uu uu gacanta midig saaray laabta uu inyar madaxa hoos aadiyey taasoo qeyb ka ah dhaqanka Iran.

Qaar kale ayaa waxay qiyaaseen in sababta aysan boqoradda wax dhaqdhaqaaq ah u sameynin mar-xaladaas ay qeyb ka tahay talo ay siiyeen kooxda u qaabilsan hab-maamuuska.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa muuqaalka safiirka Iiraan iyagga oo la xiriirinaya cilaaqaadka sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Tehran.

Islaamka ayaa waxaa mamnuuc ka ah in ragga iyo dumarka ee ajnabiga kala ah uusan jirkooda istaabin karin waxaana loo badinayaa in danjiraha Iiraan uu talaabadan qaadan isaga oo dhaqan-gelinaya shareecada Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM