Denmark oo soo saartay sharci lagu mamnuucayo gubida Qur’aanka

Image
SAWIR HORE

COPENHAGEN, Denmark - Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday inay Jimcihii soo bandhigayso sharci qabyo ah oo mamnuucaya in Qur'aanka kariimka ah lagu aflagaadeeyo "meel fagaare ah."

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka caddaaladda ee Denmark, Peter Hamilgaard, oo uu qoray wargayska maxaliga ah ee "Extra Bladet."

Hamilgaard ayaa sheegay in dawladdu ay soo saari doonto sharci mamnuucaya in si aan habboonayn loola dhaqmo walxaha muhiimka u ah diimaha, oo ay ku jiraan gubashada Quraanka.

"Qofkii guba kutubta diiniga ah waxaa lagu xukumayaa ilaa laba sano oo xarig ah," ayuu raaciyay.

Wasiirku waxa uu sheegay in aflagaadada loo geysanayo qur’aanka kariimka ahi ay wax u dhimayso danaha Denmark.

Hamilgaard ma sheegin wax faahfaahin ah oo ku saabsan habka loo qaatay sharciga qabyada ah iyo sida uu u dhaqan gali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM