Denmark oo xukuntey rag u basaasayey Sacuudi Carabiya

Image
Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay xubin ka yihiin koox ay taageerto Iiraan.

COPENHEGAN, Denmark - Maxkamad ku taal dalka Denmark ayaa saddex xubnood oo ka tirsan kooxda mucaaradka Iran ku heshay danbi ah inay u basaasayeen boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

Saddexda nin waxa xiray booliisku bishii February sanadkii 2020 waxayna ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa halganka Carabta ee xoraynta Ahvaz (ASMLA) ee Sucuudigu taageero.

Waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah "kor u qaadista argagixisada" iyagoo taageeraya garabkeeda hubaysan ee Iran. Waxay wajihi doonaan xukun bisha soo socota, iyadoo ay suurtagal tahay in lagu xukumo xabsi ilaa 12 sano ah iyo in la musaafuriyo.

Dacwad dheer oo ka dhacday maxkamadda degmada Roskilde ee dalka Denmark, xeerbeegtida ayaa sheegtay in intii u dhexeysay sannadihii 2012-2020 ay saddexdan nin gudbiyeen xog ku saabsan shakhsiyaad iyo hay’ado kala duwan oo Danish ah iyo sidoo kale arrimaha ciidamada Iran, kuwaasoo loo gudbiyay saraakiisha sirdoonka Sucuudiga si ay lacago uga qaataan.

Raggan oo da’doodu u dhaxayso 41 ilaa 50 sano jir ayaa 15m krone  oo u dhiganta £1.27m waxay ka heleen sirdoonka boqortooyadda Sacuudiga Sucuudiga. Mid waa muwaadin reer Denmark ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in lacagtaasi ay markaas ka caawisay maalgelinta dhaqdhaqaaqyada garabka hubaysan ee ASMLA ee Iran, oo lagu magacaabo Mohiuddin Nasser Martyrs Brigade.

Kiisku waa tusaalihii ugu dambeeyay ee dagaalka basaasnimo ee sii kordhaya ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Iran - oo labaduba taageero ay ka kala helaan dhigooda Denmark.

Sanadkii 2018, mid ka mid ah saddexda nin ayaa lala beegsaday isku day dil oo la rumeysan yahay in ay mas’uul ka ahayd Tehran kaasoo loogu xukumay nin Norwegian-Iran ah toddobo sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM