Dhimasho ka dhalatay dab qabsadey bakhaar lagu kaydiyo saanad milatari

Image
Madaxweyne Mahamat Deby Itno ayaa waxa uu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono falkan.

NAIROBI, Kenya - Sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu ka kacay bakhaar lagu kaydiyo saanad milatari oo ku yaalla caasimadda Chad, sida uu sheegay sarkaal Arbacadii.

Afhayeenka dowladda Abderaman Koulamallah ayaa sheegay in 46 qof laga daweynayo dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay qaraxyadu dhaceen iyaga oo at hurdayeen dadka deegaanka xilli dambe oo Talaadadii ah degmada Goudji ee N’Djamena. Xaaladda waa la xakameeyay, ayuu yiri Koulamallah.

"Waxaa la sameeyay dadaallo waali ah oo lagu doonayay in lagu damiyo dabka, iyadoo dadka deegaanka ay ka carareen guryahoodii si ammaan ah," ayuu kusii daray. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay dabkan, waxaana madaxweyne Mahamat Deby Itno uu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM