Dhimasho ka dhalatay dab qabsadey bakhaar lagu kaydiyo saanad milatari

Image
Madaxweyne Mahamat Deby Itno ayaa waxa uu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono falkan.

NAIROBI, Kenya - Sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu ka kacay bakhaar lagu kaydiyo saanad milatari oo ku yaalla caasimadda Chad, sida uu sheegay sarkaal Arbacadii.

Afhayeenka dowladda Abderaman Koulamallah ayaa sheegay in 46 qof laga daweynayo dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay qaraxyadu dhaceen iyaga oo at hurdayeen dadka deegaanka xilli dambe oo Talaadadii ah degmada Goudji ee N’Djamena. Xaaladda waa la xakameeyay, ayuu yiri Koulamallah.

"Waxaa la sameeyay dadaallo waali ah oo lagu doonayay in lagu damiyo dabka, iyadoo dadka deegaanka ay ka carareen guryahoodii si ammaan ah," ayuu kusii daray. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay dabkan, waxaana madaxweyne Mahamat Deby Itno uu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM