Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo wadahaddallo u bilawday

Image

JEDDAH (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Jeddah uu ka bilowday wada-hadallo u dhaxeeya Ciidanka Sudan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah RSF.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in wadahadallada u dhaxeeya ciidamada iyo RSF aysan taaban doonin arrimo siyaasadeed, ayna ku koobnaan doonaan xabad joojin iyo tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray fududeynta bixinta gargaarka bini'aadantinimo, gaarista xabbad-joojin, tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida, iyo suurtagalnimada in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in ay yihiin afhayeenka wadajirka ah ee wada-hadallada, si loo mideeyo xeerarkii hab-dhaqanka ee ay labada dhinac ku heshiiyeen, kaasoo hagi doona wada-hadallada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM