Diblumaasiga ugu sareeya Ruushka oo la kulmay waji gabax

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Russia, Sergei Lavrov, ayaa lagu loo cidleeyay hoolka Geneva.

GENEVA, Switzerland – In ka badan 100 diblomaasiyiin ah oo ka socda ilaa 40 wadan ayaa isaga baxay khudbad uu wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, iyagoo ka soo horjeeda duulaanka Ruushka ee Ukraine. Talaabadan waxay warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada.

Diblomaasiyiin ka qaadacday hadalka saraaka Ruushka ah oo ka kala socotay Midowga Yurub, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Japan iyo wadamo kale waxaana howlka ku haray dhowr dublamaasiyiin ah.

Kuwa ku haray shirka Golaha Xuquuqul Insaanka waxaa ka mid ahaa safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva, Gennady Gatilov, oo hore u ahaa ku xigeenkii Lavrov.

Waxaa sidoo kale joogay ergay ka kala socday Suuriya, Shiinaha, iyo Venezuela. Safiirka Ukrain Yevhenia Filipenko oo hormuud ka ahaa socdaalkan ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay fowdada oo shirka iskaga baxay.

"Aad ayaad ugu mahadsan tihiin bandhigan cajiibka ah ee taageerada dadka reer Ukraine ee u halgamaya madax-banaanidooda," ayay u sheegtay dadkii isugu soo baxay agagaarka calanka Ukraine oo surnaa banaanka howlka shirku ka socday.

Lavrov waxa uu meel fog kala hadlayay Golaha Xuquuqul Insaanka, ka dib markii uu baajiyay booqashadiisa sababtoo ah hawada Yurub oo xirtay diyaaradaha Ruushka.

Khudbadiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa qiil uga dhigay weerarka dalkiisa uu ku hayo Ukraine isagoo ku eedeeyay dhinaca Ukraine xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ka dhanka ah Ruushka tirada yar.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Midowga Yurub in ay ku hawlan yihiin "Ruush nacayb" iyaga oo hubka wax gumaada siinaya Ukraine intii uu socday ololihii milatari ee Moscow oo bilowday Khamiistii hore.

Moscow waxay ku tilmaantay duulaanka inuu yahay "hawlgal milatari oo gaar ah" oo looga dan lahaa in meesha laga saaro "neo-Nazis" oo ah xukumaya Ukraine. Diblomaasiyiinta ka baxay hadalka Lavrov ayaa sheegay in ay ka fogaadeen dhagaysiga beenta.

Safiirka Jarmalka Katharina Stasch ayaa tiri: "Sheekooyinka foosha xun ee wasiirka arrimaha dibadda Lavrov waa in loo kashifo waxa ay yihiin: qalloocinta xaqiiqada."

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada Melanie Joly ayaa ku tilmaantay nooca Lavrov mid “been ah” iyo “sidaasi darteed waa sababta aan u rabnay inaan si wadajir ah u muujino mowqif adag”.

Safiirka Faransiiska Jerome Bonnafont ayaa sheegay in "duullaan kasta uu ka dhigan yahay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha" iyo "waxaa muhiim ah in Golaha Xuquuqul Insaanka uu tuso socodkan in ay la midoobeen Ukraine iyo dadka Ukraine".

Socodku wuxuu yimid wax ka yar hal saac ka dib markii dublamaasiyiintu dhamaantood faaruqiyeen qol ku yaal xarunta Qaramada Midoobay ee Yurub ee Geneva markii khudbaddii muuqaalka ee Lavrov lagu sii daayay Shirka Hub ka dhigista oo ay soo qaban qaabisay HRW oo la aas-aasay sanadkii 1979 in la joojiyo tartanka hubka ee Dagaalkii Qabow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM