Digniin laga soo saaray dagaal uu damacsan yahay Putin

Image
Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamada Ruushka ayaa u muuqda kuwa jahwareersan, sida ay sheegeen sirdoonka Maraykanka.

MOSCOW, Russia – Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo in dagaal weyn oo dabo dheerado uu ku qaado dalka Ukraine iyadoo laga guuleystay ciidamadiisa ku sugan bariga dalkaas isla markaana ay suurrtogal tahay in colaadda Ukraine aysan soo afjarmin.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaallo ba'an ay ka socdaan bariga Ukraine, halkaasoo Ruushka uu isku dayayo inuu qabsado dhul ballaaran.

Moscow ayaa dib u habeyn ku sameysay ciidamadeeda doonayo inay la wareegaan gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay ciidamada Ruushka oo waday isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Kyiv.

Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamada Ruushka ayaa u muuqda kuwa jahwareersan, sida ay sheegeen sirdoonka Maraykanka.

Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka Mareykanka, ayaa u sheegtay guddiga Senate-ka Mareykanka oo dhageysanayay arrinta ku aadan in Putin uu weli damacsan yahay "inuu gaaro hadaf ka baxsan qabsashada gobolka Donbas isla markaana uu farqi u dhexeeyo wixii uu ka damacsanaa dagaalka iyo awoodda militeri ee Ruushka ee haatan"

Waxay intaa ku dartay in madaxweynaha Ruushka "malaha" uu ku xisaabtamayay taageerada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Ukraine si loo wiiqo awoodda Ruushka iyadoo uu sare u kacay sicir-bararka, cunto yarida iyo qiimaha tamarta ee Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Ruushka uu xaaladda u baddali karo 'mid halis ah' maadaama dagaalka sii socdo - in kasta oo Moscow ay isticmaali doonto hubka nukliyeerka haddii Putin uu arko in halis ay kusoo wajahan tahay dalkiisa.

Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Difaaca Scott Berrier ayaa u sheegay guddiga Senet-ka in Ruushka iyo Ukraine ay "isku ismari la'yihiin" dagaalka.

Ukraine ayaa sheegtay inay dib u qabsatay afar deegaan oo ku yaalla waqooyi bari gobolka Kharkiv.

Magaalooyinka Cherkasy Tyshky, Ruski Tyshky, Rubizhne iyo Bayrak ayaa dhamaantood lagala wareegay ciidamada Ruushka, sida uu sheegay militeriga Ukraine.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in guulaha Ukraine ay horseedayaan si tartiib tartiib ah in ciidamada Ruushka looga saarayo Kharkiv, halkaasoo uu Ruushka duqeynayay tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Laakiin wuxuu sheegay in dadka reer Ukraine "waa in aysan sameyn awood xadh dhaaf ah, halkaas oo guulo laga filayo toddobaad kasta iyo xitaa maalin kasta inay kasoo hoyiyaan".

Magaalada dekedda leh ee Odesa, gantaallo ayaa xaley lagu garaacay dhismayaal badan, gantaallada ayaa ruxay guryaha ku yaallaa halkaas. Hal qof ayaa ku dhintay shan qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay ciidamada Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 01:42AM

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM