Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka dalka Australia oo burbrutey

Image
Diyaaradan ayaa markii ay soo dhaceysay waxa ay ku guda jirtey howlgal dhoolatus ah.

LONDON, United Kingdom - Australia ayaa joojisay dhoolatuska milatari ee ay la lahayd Mareykanka kadib markii ay burburtay diyaarad helicopter ah oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamadda cirka ee waddankan.

Wasiirka gaashaandhigga Richard Marles ayaa waxay shaaca ka dhigtey in diyaaraddan oo nooceedu ahaa MRH-90 ayna ku burburtay biyaha gobolka waqooyi bari ee Queensland.

Diyaaradan ayaa ka qeyb qaadaneysay Talisman Sabre, oo ah dhoolatus militari oo ay iska kaashanayaan Australia iyo Mareykanka oo ay ka qeyb qaadanayaan 13 wadan oo ay ku jiraan Japan, France iyo Germany iyo in ka badan 30,000 oo shaqaale ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, oo Australia kula jooga Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, si ay wada hadal ula yeeshaan, ayaa ammaanay ciidamadda diyaaradda ee maqan.

Australia waxay sameyneysaa dib u habeyntii ugu weyneyd ee ciidankeeda tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana ay diiradda saareysaa sidii ay u tayeyn lahayd howlgaladda iyo qalabka ay adeegsadeen ciidankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM