Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay
WASHINGTON — Diyaarad dagaal oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ayaa soo riday drone ay Iran leedahay, kaddib markii la sheegay inuu si khatar ah ugu soo dhowaaday markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln, kaas oo ku sugnaa Badda Carabta. Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in dhacdadani ay sii kicin karto xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran.
Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku yimid jihada markabka isagoo muujinaya ujeeddo aan caddayn, isla markaana uusan joojin duulimaadkiisa inkastoo ciidamada Mareykanku ay qaadeen tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda, maadaama ay ku sugnaayeen biyo caalami ah.
Saacado ka hor dhacdadan, militariga Mareykanka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ay faragelin ku sameeyeen markab ganacsi oo calanka Mareykanka wataa, kaas oo marayay Marinka Hormuz. Sida lagu sheegay warbixinta, labo doonyood iyo drone kale oo Iran leedahay ayaa si xawaare sare ah ugu dhowaaday markabka, iyagoo ku hanjabay inay kor u fuulaan ama qabsadaan.
Markabka dagaalka USS McFaul ayaa u gurmaday, isagoo markabka ganacsiga u raaciyey ilaalo cirka ah oo ay bixisay Ciidanka Cirka Mareykanka. Ugu dambeyn, markabkaas ayaa si nabad ah u sii watay safarkiisa.
Drone-kii lagu soo riday ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Shahed-139, waxaana lagu beegsaday diyaarad F-35C ah oo ka kacday USS Abraham Lincoln, xilli markabku uu qiyaastii 800 kiiloomitir u jiray xeebaha koonfureed ee Iran. Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in aanay wax khasaaro ah soo gaarin ciidamada ama qalabka Mareykanka.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiriirka labada dal uu mar kale kacsan yahay. Dowladda Iran ayaa toddobaadyo la tacaaleysay mudaaharaadyo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya, kuwaas oo markii dambe isu beddelay loollan ballaaran oo ka dhan ah nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa horraantii bishan sheegay inuu doonayo in Iran lagu cadaadiyo inay miiska wada-xaajoodka timaaddo, gaar ahaan arrimaha barnaamijkeeda nukliyeerka. Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad, Trump wuxuu yiri: “Waan rabnaa heshiis la wada gaaro. Haddii aan wada shaqeyn karno, waa wax wanaagsan. Haddii kalena, arrimuhu si xun ayay u dhici karaan.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Iran ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha dibadda faray inuu raadiyo wada-xaajood “cadaalad iyo sinnaba u dhigma” oo lala yeesho Mareykanka, taasoo loo arkay calaamad muujinaysa in Tehran ay diyaar u tahay in dib loo bilaabo wadahadallo burburay xagaagii hore.
Warar kale ayaa sheegaya in Turkiga uu si hoose uga shaqeynayay sidii wada-xaajoodku u dhici lahaa, iyadoo ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, uu ku sugan yahay gobolka. Mas’uul Turki ah ayaa sheegay in goobta rasmiga ah ee wadahadalladu weli aan la hubin, balse Ankara ay diyaar u tahay inay taageerto geeddi-socod kasta oo nabadeed.
Xiisaddan cusub ayaa muujinaysa sida Badda Carabta iyo Marinka Hormuz ay mar kale u noqdeen meel istiraatiiji ah oo is-muujinta awoodda militari iyo siyaasadeed ay si toos ah ugu saameyn karto amniga gobolka iyo dhaqaalaha caalamka.
GAROWE ONLINE