Diyaarado dagaal oo hor leh oo ku duulaya agagaarka Taiwan

Image

TAIPEI, Taiwan - Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa ku dhawaaqday – maanta oo Isniin ah – in ay la socdeen 24-kii saac ee la soo dhaafay duullimaadyada 103 diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha kuwaas oo ku duulaya hareeraha jasiiradda.

Wasaaraddu waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in 103 diyaaradood iyo 9 markab oo ay leeyihiin Ciidanka Shiinaha lagu arkay agagaarka Taiwan intii u dhaxaysay shalay ilaa subaxnimadii Maanta.

Beijing ayaa Taiwan u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna xaqiijisaa inay doonayso inay dib ugu soo ceshato, xitaa haday u adeegsto xoog iyo awood militari.

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday 2016-kii markii ay xukunka la wareegtay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, oo taageersan madax-bannaanida jasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM