Donald Trump: Madaxwayne labo jeer ka adkaaday dumar la tartamay

Image
Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee ku soo noqda Aqalka Cad tan iyo sanadkii 1892-kii.

WASHINGTON, USA - Donald Trump ayaa Arbacada maanta ah loo doortay madaxweynihii 47-aad ee Mareykanka, taasoo ah soo laabasho aan caadi ahayn oo ku timid madaxweynihii hore ee diiday in uu aqbalo in laga guuleystay afar sano ka hor, waxaana lagu helay eedeymo culus, wuxuuna ka badbaaday laba isku day dil.

Guusha uu ka gaaray Wisconsin, Trump waxa uu nadiifiyay 270-ka cod ee doorashada ee loo baahnaa si uu u hanto madaxtinimada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii.

Xataa ka hor inta aysan guushiisu noqon mid rasmi ah, musharraxa Jamhuuriga ayaa ku dhawaaqay guusha uu ka gaaray musharraxa Dimuqraadiga Kamala Harris.

“Waxaan caawa taariikh u samaynay sabab, sababtuna waxay noqonaysaa inaan ka gudubnay caqabado aanay cidina u malayn inay suurtogal tahay,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa farxadda badan ee Florida. "Waa guul siyaasadeed oo aan wadankeenu hore u arag."

Isagoo dadka Mareykanka uga mahadcelinaya "sharafta aan caadiga ahayn ee loo doortay madaxweynaha 47-aad", Trump wuxuu yiri: "Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay dadka Mareykanka".

Harris, oo aan weli qiran guuldarada, lama hadlin taageerayaasheeda, kuwaas oo isugu soo baxay jaamacadeeda Howard University. Guddoomiye ku-xigeenka ololaheeda, Cedric Richmond, ayaa si kooban ula hadlay dadkii badnaa saqdii dhexe ka dib, isagoo sheegay in Harris uu si fagaare ah u hadli doono Arbacada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM

Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ballanqaaday Xiriir Adag iyo Iskaashi Cusub

Kim Jong Un ayaa ka dhoofay Beijing fiidkii Khamiista isagoo dib ugu laabtay dalkiisa kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay Xi Jinping.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 09:11AM