Trump oo qarka u saaran in uu maxkamad kasoo muuqdo

Image
Caddeymo cusub oo loo helay kiis lagu soo oogay ayaa laga yaabaa in ay madax-xanuunka ku kordhiyaan.

WASHINGTON, USA - Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka New York ayaa ku eedeeyay ganacsiga qoyska madaxweynihii hore ee Donald Trump "in ay si isdaba joog ah uga been-sheegeen qiimaha hantidooda si ay u helaan faa'iidooyinka maaliyadeed".

Letitia James ayaa sheegashooyinkan waxay u cuksatay waxa ay ku tilmaamtay "in ay tahay caddayn cusub oo muhiim ah oo ku saabsan khiyaano iyo wax-is-dabamarin ay suurtagal tahay".

Eedeymaha ka yimid Letitia James waxay calaamad u tahay kororka baaritaankeeda madaniga ah ee ganacsiga hogaamiyaha Jamhuuriga, Trump Organisation, iyo doorarka caruurtiisa qaangaarka ah.

Caddaynta ayaa soo jeedinaysa in Trump iyo Trump Organisation ay khaladeen qiimaha lix guri, oo ay ku jiraan mid ku yaal Wall Street iyo naadiyada Golf ee Scotland iyo Westchester County ee ka baxsan magaalada New York, sida ku xusan bayaan ay Letitia James soo saartay goor dambe oo habeennimadii Talaadada ah.

Bishii Luulyo, Trump Organisation iyo Weisselberg waxay maxkamad New York ku taal ka hor beeniyeen 15 eedaymo musuqmaasuq iyo canshuur lunsi. Maxkamadeyntiisa ayaa bilaabaneysa bartamaha sanadkan.

Qareennada qoyska Trump ayaa ku dooday in maxkamad tagida ay tahay mid "aan habboonayn oo lagu ururin karo caddaynta baadhista madaniga ah oo markaas loo isticmaali karo baadhista dembiga".

Bishii hore, Trump waxa uu James ku dacweeyay maxkamad federaali ah oo ku taal Albany, oo ah caasimadda gobolka New York, si ay u joojiso baaritaankeeda madaniga ah, oo uu ku tilmaamay mid lagu dhibaataynayo laguna cabsi geliyo qof ka soo horjeeda siyaasadda.

Donald Trump oo diiday in uu qirto in looga adkaaday doorashada madaxtinimada ee 2020-ka, ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya dhowr baaritaan oo dhanka sharciga ah kuwaasoo saameyn kara damaciisa in uu mar kale tartamo sanadka 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM