Donald Trump oo sameysanaya bar bulsho u gaar ah

Image
Trump ayaa laga mamnuucay ama laga joojiyay shabakadaha bulshada sida Twitter iyo Facebook.

WASHINGTON, USA - Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku furayo shabakad cusub oo baraha bulshada ah taasoo lagu magacaabo TRUTH Social.

Wuxuu sheegay in madasha “ay kasoo horjeedo dulmiga tiknoolajiyadda weyn”, isagoo ku eedeeyey inay ka aamuseen codadka iska soo horjeeda ee Mareykanka.

Kooxda Trump Media & Technology Group (TMTG), oo uu guddoomiye u yahay, ayaa sidoo kale damacsan inay bilaabaan aalad aad wax ku dalban karto si muuqaal ah.

Trump ayaa laga mamnuucay ama laga joojiyay shabakadaha bulshada sida Twitter iyo Facebook markii taageerayaashiisa ay xoog ku galeen Capitol-ka Mareykanka bishii Janaayo.

Trump iyo la -taliyayaashiisa ayaa tan iyo markaas dhowr jeer waxay ka dhawaajiyeen inay qorsheynayaan inay abuuraan goob baraha bulsho ah oo kasoo horjeeda kuwa haatan jira.

Horaantii sanadkaan haatan sii dhamaanaya ee 2021-ka, Trump ayaa wuxuu bilaabay bar lagu magacaabo From Desk of Donald J Trump, oo inta badan loogu yeero blog.

Shabakadda ayaa la xiray wax ka yar hal bil kadib markii la bilaabay. Kaaliyihiisa sare Jason Miller wuxuu yiri "kaliya waxay kaalmo u tahay dadaallada ballaaran ee aan haysanno oo aan ka shaqeyneyno".

Daahfurka TRUTH Social oo la qorsheynayo asbuuca dambe ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto mid bilaash ah saddexda bilood ee ugu horreysa 2022, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay TMTG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Ku Dhawaaqday Xiritaanka Hormuz, Suuqyada Shidaalka oo Qalalaase WajahayaI’m

Maraakiibta waaweyn ee shidaalka iyo gaaska qaada ayaa halkaas ka dhoofa, badankoodna…

  • Caalamka

    02-03-2026

  • 10:18PM

Shirkadda Aramco oo la weeraray iyo Qiimaha Saliidda Caalamka oo kor u kacay 13%

Waxaa sidoo kale la soo sheegay qaraxyo ka dhacay jasiiradda Kharg, halkaas oo laga farsameeyo 90% saliidda ay Iiraan dhoofiso.

  • Caalamka

    02-03-2026

  • 12:23PM