Dooda cusub ee ka dhalatay xukunka ICJ ee dacwada badda

Image
Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa shalay Soomaaliya iyo Kenya u kala qaybisay dhul badeedkii inta muddada ah uu muranku ka taagnaa.

WASHINGTON, USA - Xaakimka Soomaalida ah ee Maxkamadda ICJ, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa diiday sida ay ujeexday xarriiqa cusub ee xuduud badeedka.

Sidoo kale waxa uu ku gacan-seyray “sigib-tirka” ay samaysay maxkamaddu iyo weliba sida ay u jeexday xarriiqa kala qaybaha qaybta EEZ iyo qalfoof-qaaradeedka labadaba.

Cabdulqawi ayaa tallaabadaas maxkamaddu qaadday ku sifeeyay in ay kaga leexatay nidaamii sharciga, islamarkaana dib u qaabayn garsoor ku samaysay juquraafiga.

Garyaqaanka ayaa waxaa qoraalka Cabdulqawi Axmed Yusuf ka muuqday inuu aad uga soo horjeeday go’aamadaa soo ay u codeeyeen inta badan garsoorayaasha maxkamadda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa shalay Soomaaliya iyo Kenya u kala qaybisay dhul badeedkii inta muddada ah uu muranku ka taagnaa, ayada oo inta badan siisay Soomaaliya.

Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dawladdu waa ay soo dhoweeyeen go’aankaas, halka madaxweynaha Kenya uu ku gacan seeray.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminayey wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa sheegay in guusha ay leedahay Soomaali oo dhan.

"Sharaf iyo farxad ayay noo hayd aniga iyo wefdigeyga aan hogaaminaayay in aan goobjoog ka noqonno ku dhawaaqista go’aankii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda baddeenna, taas oo guushu nagu raacday," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan mahad iyo ammaan u jeedinayaa qareennadii iyo khubaradii qeybta weyn ku lahaa difaaca baddeenna, madaxda Qaranka oo u dhabar adeygay in guushan la gaadho, shacabka Soomaaliyeed ee taageerada iyo ducada nagala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd in aan xaqiijinno guushan aan xaqeena ku soo dhacsannay".

Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa xukmisay in Soomaaliya ay leedahay xuduuda badda ee ay muranka gelisay Kenya. ICJ waxay sidoo kale faafisay khariirad ay ku muujineyso sidda ay noqoneyso sohdinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM