Doorashooyinka Turkiga oo laga soo hormariyay xilligii loo balansanaa

Image
Cod-bixinta oo qorshuhu ahaa in la qabto 18 June ayaa loosoo hormariyay 14, May ee 2023.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay xeer soo hormarinaya doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa barlamaanka ee dalkaasi.

Doorashooyinkan oo qorsheysanaa in la qabto 18 June ayaa loosoo hormariyay 14, May ee 2023 iyada oo madaxweyne Erdogan ku sababeeyay xiliga imtixaanaadka ee waddankaas.

Dastuurka dalka Turkiga gaar ahaan qodobka 116-aad ayuu sheegay in uu ogolaanayo in xilli kasta lasoo horumarin karo coddeynta. Dhanka kale Erdoğan wuxuu carabaabay in ololaha doorashadiisa sanadkaan uu ka duwan yahay kuwii hore.

Erdogan ayaa yiri: "Ololahayga sanadkaan wuxuu noqonayaa oo kaliya kulamo aan muwaadiniinta la qaadanayo waxaana aan u baahannahay in guryo deg-deg loo dhiso".

Dhismaha 319-kun guriyo ah ayuu balan qaaday in ay sanad gudihiis ku dhisi doonaan isla markaana lagu wareejin doono dadkii lahaa ee ay uga bur-bureen dhul-gariirkii dalkaasi ku dhacay.

Guryaha ay waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ayuu tilmaamay in ay dumin doonaan in ka badan 270 kun oo guri kuwaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 800 kun oo qof isla markaana ay tahay in dib u dhis lagu sameeyo.

Xaaladan quusta ah ayaa ka dhalatay dhul-gariirkii dhowaan ka dhacay Turkiga kaasoo galaaftey nolosha ku dhowaad 44-kun ruux ayna ku hanti-beeleen dad malaayiin gaaraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM