Dowladda Bangladesh oo xayiraad ka qaadey Jamaat-e-Islami

Image
Go'aankan oo si weyn loosoo dhaweeyay ayaa waxaa la sheegay inuu isla markiiba dhaqan galay.

DHAKA, Bangladesh - Dowladda ku meel gaarka ah ee Bangladesh ayaa xayiraaddii ka qaaday xisbiga Jamaat-e-Islami iyo garabka ardayda ee Islami Chhatra Shibir.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bayaan ay soo saartay Arbacada maanta, waxayna sheegtay in la waayay caddaymo muujinaya sababihii ka dambeeyay xayiraaddii hore, sida uu sheegay The Daily Star, oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Bangladesh.

Xayiraadda ayaa la qaaday "maadaama aysan jirin cadeymo gaar ah oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Jamaacada, Shibir, iyo ururadooda hore ee falalka argagixisada.

Go'aanka ayaa isla markiiba dhaqan galaya.

Bishii la soo dhaafay, dalkan dhaca South Asia ayaa soo saaray amar waafaqsan sharciga la dagaalanka argagixisada ee 2009, kaasoo mamnuucaya dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Jamaacada iyo Shibir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM