Dowladda Israa’iil oo ka qarisay dadkeeda xog muhiim ah

Image
Laba dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ayaa boosteejo basaska laga soo raaco ku dilay dad Israa'iiliyiin ah halkaas ku sugnaa.

QUDUS (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka amniga Itamar Ben Gvir ayaa qariyay faahfaahin ku saabsan weerarkii ka dhacay magaalada Qudus subaxnimadii Khamiista, oo laga baahiyay muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Laba dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ayaa Subaxnimadii Khamiista yimid boosteejo basaska laga soo raaco waqooyiga magaalada Qudus, waxayna bilaabeen inay toogtaan dadkii ka dagayay baska.

Dowladda Israa’iil ayaa shaacisay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 12 kale, iyaga oo intaas ku daray in qof rayid ah iyo laba askari oo Israa'iiliyiin ah ay isla goobta ku toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.

Balse waxaa soo baxday in labo askari oo Israa’iiliyiin ah ay toogteen ninka Israa'iiliga ee dilay mid ka mid ah Falastiiniyiinta weerarka soo qaaday.

Muuqaalka laga duubbay ayaa muujinaya isaga oo ka codsanaya ciidamada Israa'iil inaysan dilin una sheegaayo heybtiisa iyo in uu yahay Israa'iili balse rasaas lagu furay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM