Dowladda Morocco oo dib u dhisi doonto dalka muddo hal sano gudaheed

Image

RABAT, Morocco - Ra’iisul Wasaaraha Morocco Aziz Akhannouch ayaa Sabtidii booqday dhowr goobood oo uu saameeyay dhulgariirkii Al Haouz.

Akhannouch ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii dib u dhis iyo dayactir loogu sameyn lahaa dugsiyo, isbitaallo iyo xarumo muhiim ah oo dhul-gariirku waxyeeleeyay, muddo sanad gudaheed ah. ama sannad iyo bar.

Ra’iisul Wasaaraha Morocco ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka ku dhaqan mid ka mid ah degmooyinka Al Haouz ku micneeyay socdaalkiisa kormeerka ah ee uu ku tagay gobolka, in ay dib u dhis ku sameyn doonaan dhismayaasha dhul-gariirkii ku burburay, isla markaana dadaallada hadda socda ay diiradda saarayaan sidii dib loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM