Dowladda Morocco oo dib u dhisi doonto dalka muddo hal sano gudaheed

Image

RABAT, Morocco - Ra’iisul Wasaaraha Morocco Aziz Akhannouch ayaa Sabtidii booqday dhowr goobood oo uu saameeyay dhulgariirkii Al Haouz.

Akhannouch ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii dib u dhis iyo dayactir loogu sameyn lahaa dugsiyo, isbitaallo iyo xarumo muhiim ah oo dhul-gariirku waxyeeleeyay, muddo sanad gudaheed ah. ama sannad iyo bar.

Ra’iisul Wasaaraha Morocco ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka ku dhaqan mid ka mid ah degmooyinka Al Haouz ku micneeyay socdaalkiisa kormeerka ah ee uu ku tagay gobolka, in ay dib u dhis ku sameyn doonaan dhismayaasha dhul-gariirkii ku burburay, isla markaana dadaallada hadda socda ay diiradda saarayaan sidii dib loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM