Dowladda oo fariin u dirtay dhalinyarada ay "qaldeen" Al-Shabaab

Image
Dhambaalkan ayaa kusoo aadaya xilli xukuumadda ay kordhisay ololaha ka dhanka ah maleyshiyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqdey "dhalinyaradda ay qaldeen" Al-Shabaab in ay isa soo dhiibaan, sidda ku xusan bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay "in aysan jirin waddo kale oo u furan da'yartan" haddii kale ay la kulmi doonan "kacdaanka shacabka".

Dhanka kale, bayaanka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in shan kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamadda ka fuliyeen Buuraha Camal ee gobolka Hiiraan.

"Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee Alshabaab," ayaa lagu yiri qoraalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA 

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5aad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.

Ciidanka ayaa wali wada hawlgalo is daba joog ah si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaawayaasha ah in aanay helin goobo ay gabbaad ka dhigtaan.

Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee Alshabaab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM