Dowladda Suudaan oo ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegi doonto Caasimada

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa shaaca ka qaaday howlgal dhawaan bilaaban doona.

Khartoum (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Cali Al-Saadiq Cali ayaa xaqiijiyay in howlgallada militari ee si buuxda looga xoreynayo Khartoum gacanta Ciidamada Taageerada degdegga ah ay dhawaan bilaaban doonaan.

Al-Sadiq Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Waxaan rajaynaynaa in dhawaan war wanaagsan naga soo gaaro magaalada Khartoum, hadda waxay gacanta ku hayaan xaafado dhowr ah (RSF), waxaana awood u leenahay inaan uga saarno sida uga dhaqsiyaha badan”.

Dagaalka Suudaan ayaa qarxay bishii Abriil 2023 ka dib markii la isku khilaafay awoodaha ciidamada iyo Ciidamada Taageerada degdega ah RSF, taas oo qayb ka ah qorshe caalami ah oo lagu taageerayo isbedel siyaasadeed oo ay Shacaba ku hanan lahaayeen Xukunka.

Ciidamada iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa awoodda Siyaasadda la qeybsaday shacabka ka dib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir, iyaga oo labo sano ka dib afgambi ku sameeyay Dowladii Rayidka ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo qabsaday jasiirad istiraatiiji ah, Sacuudiga oo xiray dhuun shidaal oo muhiim ah

Qabsashada jasiiradda Mayun, oo sidoo kale loo yaqaan Perim, ayaa Xuutiyiinta siinaysa…

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 08:04AM

Weerar Drone oo Lagu Qaaday Kaabayaasha Shidaalka Sacuudiga

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli marinka Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed ay wajahaan xiisad sii kordheysa.

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 05:31AM