Dowladda Suuriya oo ruqsadda kala laabatay warbaahinta BBC-da

Image
Image
Image
Image
Image
Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii Idaacadan laga leeyahay UK ay sii deysay dukumiintiri baaris ah.

DIMISHIQ, Suuriya - Dowladda Suuriya ayaa ruqsadda warbaahinta kala laabatay BBC-da sababo la xiriira waxa ay ugu yeertay "warbixinno marin-habaabin ah".

Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Dimishiq ayaa sheegtay in warbaahintan laga leeyahay UK ay ku guuldareystey inay u hoggaansamaan "xeerka xirfadda".

Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii barnaamij ay dhowaan sii deysay BBC-da uu qoyska madaxwayne Bashaar Al-Asad la xiriiriyey ka ganacsiga mukhaadaraad.

Dhinaca kale, BBC-da oo ka jawaabtey eedeynta dowladda Carbeed ayaa waxay ku adkeystay in wariyeyaasheeda ay ku shaqeeyaan si madax-bannaan oo dhexdhexaad ah.

"Waxaan la hadalnaa dadka kala duwan ee siyaasadda si aan u ogaano xaqiiqada," ayuu afhayeen u hadlay BBC yiri, isaga oo aanan si toos ah usoo qaadan dowladda Suuriya.

Barnaamijka ay dhibsatay dowladda Suuriya oo la daabacay bishii lasoo dhaafay ayaa laga sii daayay kanaalka ku hadla afka Carabiga waxaana si weyn looga aadey internet-ka.

BBC Arabic ayaa sheegtey in ay ogaatay xiriir ka dhexeeya ka ganacsiga daroogada Captagon, oo hogaaminaya xubnaha ciidamada qalabka sida ee Suuriya iyo qoyska Mr Assad.

Captagon waa daroogo aad u qabatimo amphetamine oo kale ah. Dowladda Suuriya ayaa horay u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga daroogada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM