Dowladda Suuriya oo ruqsadda kala laabatay warbaahinta BBC-da

Image
Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii Idaacadan laga leeyahay UK ay sii deysay dukumiintiri baaris ah.

DIMISHIQ, Suuriya - Dowladda Suuriya ayaa ruqsadda warbaahinta kala laabatay BBC-da sababo la xiriira waxa ay ugu yeertay "warbixinno marin-habaabin ah".

Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Dimishiq ayaa sheegtay in warbaahintan laga leeyahay UK ay ku guuldareystey inay u hoggaansamaan "xeerka xirfadda".

Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii barnaamij ay dhowaan sii deysay BBC-da uu qoyska madaxwayne Bashaar Al-Asad la xiriiriyey ka ganacsiga mukhaadaraad.

Dhinaca kale, BBC-da oo ka jawaabtey eedeynta dowladda Carbeed ayaa waxay ku adkeystay in wariyeyaasheeda ay ku shaqeeyaan si madax-bannaan oo dhexdhexaad ah.

"Waxaan la hadalnaa dadka kala duwan ee siyaasadda si aan u ogaano xaqiiqada," ayuu afhayeen u hadlay BBC yiri, isaga oo aanan si toos ah usoo qaadan dowladda Suuriya.

Barnaamijka ay dhibsatay dowladda Suuriya oo la daabacay bishii lasoo dhaafay ayaa laga sii daayay kanaalka ku hadla afka Carabiga waxaana si weyn looga aadey internet-ka.

BBC Arabic ayaa sheegtey in ay ogaatay xiriir ka dhexeeya ka ganacsiga daroogada Captagon, oo hogaaminaya xubnaha ciidamada qalabka sida ee Suuriya iyo qoyska Mr Assad.

Captagon waa daroogo aad u qabatimo amphetamine oo kale ah. Dowladda Suuriya ayaa horay u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga daroogada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM