Dunida Islaamka oo bilowdey banaanbax ka dhan ah Hindiya

Image
Dhowr dal oo Muslim ah ayaa u yeeray danjireyaasha India ku matala waddamadaas.

DELHI, India - Dhawr ka mid ah dalalka Islaamka ee caalamka ayaa si degdeg ah ugu yeeray safiirrada Hindiya u fadhiya dalalkooda, si ay u cambaareeyaan hadalada deelqaafka ah ee mas'uuliyiinta dalkaas ugu gafeen Islaamka.

Wadamada Islaamka ayaa xadgudubka ka dhanka ah Nabi Maxamed (SCW) ku tilmaamay inay salka ku hayaan Islaam nacayb. Dalka Qatar ayaa Hindiya ka dalbaday "inuu raalligelin buuxda bixiyo".

Dhacdadan ayaa weji gabax ku noqotay, wefti ka socda dawladda Hindiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo ganacsato kala duwan oo safar ku jooga dalka Qatar.

Hindiya ayaa wajaheysa caro diblumaasiyadeed oo weyn oo uga imaaneysa wadamada Muslimka ah kadib markii laba mas'uul sarre oo ka tirsan xisbiga Hinduga taladda haya ee BJP ay hadallo bahdil ah ku sameeyeen Islaamka iyo Nabi Muxamed (NNKH).

Afhayeenka heerka qaran, Nupur Sharma, ayaa shaqo joojin ku muteystay talaabaddan, halka madaxa xafiiska warbaahinta Dehli, Naveen Kumar Jindal gabi ahaanba looga eryay xisbiga falkan uu ku kacay. Hase ahaatee, falcelinta wali ma qaboojin dhaleeceynta.

Sucuudiga ayaa isaguna si adag arrintan uga horyimid isaga oo ku tilmaamay inuu si adag u diidayo nooc kasta oo nacayb ah oo ka dhan ah diinta Islaamka.

Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee loosoo gaabiyo OIC ayaa isna sheegay in dhacdadani ay ku soo beegmayso, xilli ay dalkaas ka jiraan nacayb iyo falal xadgudub ah oo lagula kaco diinta Islaamka iyo muslimiinta ku nool dalka Hindiya.

Tusaale ayuu u soo qaatay in gobollo badan oo dalkaas ka mid ahi inay mamnuuceen xijaabka iyo khimaarka ay haweenku madaxa ku asturtaan, halka marar kala duwanna falal gacan ka hadal ah lala beegsaday muslimiinta ku nool dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM