Duufaan xooggan oo ku dhufatay qayb kamid ah Canada

Image
Image
Image
Khasaaraha ayaa la sheegay in uu isugu jiro mid nafeed iyo maaliyadeed. Tirokoob rasmi ah ayaa ku socda waxyeeladda.

TORONTO, Canada - Duufaan halis ah oo ay saraakiishu ku tilmaameen musiibo cimilo oo dhacda qarnigii hal mar ayaa goysay jidad iyo tareennada isku xidha magaalada Vancouver ee dalka Canada.

Labo waddo oo isku xirta magaaladan dhacda Xeebta Galbeed ayaa xirmay kadib markii ay waxyeelo ka soo gaartay daad xooggan.

Kumanaan qof ayaa lagu qasbay in ay ka baxaan guryahooda, sababo la xiriira duufaanta weyn, ee dhacday Isniintii.

Haweeney ayaa ku dhimatay dhul go’ ka dhacay waddo weyn, waxaana gurmadayaasha ay sheegeen in ugu yaraan labo qof oo kale la la’yahay.

Gaadiidleyda Kathie Rennie ayaa u sheegtay CBC News inay aragtay dhul go'a oo ku soo dhacay taraafikada oo markii horeba taagnayd koonfurta Lillooet.

"Muuqaalka horey wuxuu muujinayaa in ay ahayd tsunami soo socda, waxay ahayd arrintii ugu cabsida badnayd ee aan abid arko," ayay tiri.

Duufaantan ayaa timid ka dib markii British Columbia ay la kulantay kulayl aad u sarreeya xagaagii hore kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, iyo dab ka kacay oo baabi'iyay magaalo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM