Duulaan cusub oo Yahuuda ku qaadey Falastiin oo galaaftey 9 ruux

Image
Waa howlgalkii ugu balaarnaa ee militari ee ka dhaca dhulkan la haysto muddo 20 sano ah.

DOOXA, Qadar - Ciidamada Israel ayaa qaaday weeraro cirka iyo dhulka ah oo ay fuliyeen boqolaal askari, waxaana lagu dilay ugu yaraan 8 falastiiniyiin ah waana howlgalkii ugu balaarnaa ee militari ee ka dhaca Jenin muddo 20 sano ah.

Qof Falastiini ah oo sagaalaad ah ayay askarta Israa’iil ku toogteen meel u dhow Ramallah. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaxootiga ku jira xerada qaxootiga ee Jenin oo qaxaya xilli habeen ah.

Ku dhawaad ​​3,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay xerada qaxootiga ee Jenin tan iyo markii ciidamada Israel ay bilaabeen howlgalo militari oo ballaaran oo ay ka wadaan aagga Isniintii, sida uu sheegay sarkaal Falastiini ah.

"Waxaa jira ilaa 3,000 oo qof oo ilaa hadda ka baxay xerada," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Jenin Kamaal Abu Al-Roub oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Abu Al-Roub ayaa intaas ku daray in la diyaarinayo sidii barakacayaasha loogu dajin lahaa iskuullo iyo xarumo kale oo ku yaalla magaalada Jenin. Wuxuu sheegay in qiyaastii 18,000 oo Falastiiniyiin ah ay ku nool yihiin xerada qaxootiga.

Wasiirka caafimaadka Falastiin Mai Al-Kaila ayaa u sheegay Al Jazeera in xaalada xerada qaxootiga ee Jenin ay noqotay mid aad iyo aad u adag ayna soo food-leedahay musiibo bini'aadanimo.

“Shabakadda biyaha iyo korontadu waa ay burburtay, gaar ahaan gudaha xerada qaxootiga, taasoo nolosha qaxootiga sii adkeynaysa,” ayay tiri. "Xaaladda caafimaadku runtii aad bay halis u tahay."

Duulaanka Yahuuda ayaa horseeday xiisad horleh, waxaana uu daba socdaa weerar ka dhacay Jenin laba toddobaad ka hor oo lagu dilay 7 falastiiniyiin ah oo qudhooda ahaa mid ka mid ah kuwii ugu ballaarnaa ee la sameeyo muddo sanado ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM