Duulaanka Ruushka: Dagaal ku saleysan been "la quursado"

Image
Midowga Yurub ayaa dardar-geliyey weerarka afka ah ee ka dhanka ah xukuumada Moscow.

BRUSELS, Belgium - Madaxweynaha Golaha Yurub, Charles Michel, ayaa si qiiro leh uga hadlay kulan gaar ah, isagoo cambaareeyay duulaanka Vladimir Putin ee Ukraine oo uu ku tilmaamay mid “arxan darro ah” oo uu ku saleeyay "been la quudhsado".

Waxa uu ka digay in nidaamka caalamiga ah ee ku salaysan qawaaniinta "la weeraray" waxana uu ku tilmaamay ficilada Moscow kuwo "argagixiso juqraafiyeed, saafi ah oo fudud".

Mar uu ka hadlayay codsiga Ukraine ee ah in ay xubin ka noqoto Midowga Yurub, waxa uu yidhi "way adkaan doontaa, waanu ognahay in Yurub ay ka jiraan fikrado kala duwan" balse waxa uu codsigaas ku tilmaamay mid "sharci ah" iyo "astaan".

Dhinaca kale, Qiimaha shidaalka Mareykanka ayaa kor u kacay 7% Talaadadii wuxuuna dhaafay 102 dollar foostadii markii ugu horeysay in ka badan 7 sano iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xiisadda Ruushka iyo Ukraine.

Xitaa iyada oo saraakiisha tamarta ee adduunka oo dhan ay ku dhow yihiin heshiis lagu sii daynayo kaydka saliida si degdegga ah, qiimaha waa mid sii kordhaya

Dhanka kale, Ra'iisul wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa sheegay in ciidamada Britain aysan la dagaalami doonin ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, isaga oo intaa ku daray in kordhinta cutubyadda milatari ee dhowaan dhacdey ay tahay "wax aan dhaafsiisneyn tallaabooyin difaac."

"Waxaan rabaa inaan si cad u qeexo qodobkaas: Ma la dagaallami doono ciidamada Ruushka ee Ukraine," ayuu yiri isaga oo meesha ka saaraya in askarta Ingiriiska ay fooda dari doonan dhigooda Ruushka ee ku duulay Ukraine.

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya in reer Galbeedka ay si muuqata u garab istaagi doonan Ukraine taas bedelkeeda waxay doorbidayaan taakulayn diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale si loo cadaadiyo xukuumada Moscow

Geesta kale, Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa soo saartay digniin ku socota dadka deggan Kyiv oo ay ku wargelineyso in ay isku diyaarinayso inay beegsadaan bartilmaameedyada caasimadda Ukraine.

Bayaan ay soo saareen galabnimadii Talaadada, saraakiisha Ruushka ayaa xusay in ciidamadoodu ay isku diyaarinayaan in ay qaadaan "weeraro sax ah" oo ka dhan ah xarumaha tignoolajiyada ee Adeegga Amniga ee Ukraine iyo xarunta 72-aad ee ugu weyn ee PsyOps ee Kyiv.

"Waxaan ku boorineynaa muwaadiniinta Ukraine ee ay adeegsadaan waddaniyiintu inay fuliyaan daandaansi ka dhan ah Ruushka, iyo sidoo kale dadka deggan Kyiv ee deggan meelaha u dhow xarumaha la isku dirayo in ay deg-deg u baxaan," ayaa lagu daray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM