Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Image
Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

TEHRAN, Iiraan - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

Kooxaha gurmadka iyo badbaadinta oo gaaray goobta shilka helikobtarka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee IRINN iyo wakaaladda wararka ee Mehr.

Taariikhda Ebrahim Raisi

- Ebrahim Raisi, madaxweyne ilaa Agoosto, 2021.

- Wuxuu ku guuleystey 62.9% codadkii doorashada madaxtinimada 2021, naqdiyeyaashu waxay su'aal galiyaan cadaaladda codbixinta.

- Waxaa loo arkayay nin mayal adag oo xulafo la ah Hogaamiyaha Sare ee Ali Khamenei.

- Waxaa loo arkayay inuu yahay beddelka suurtagalka ah ee Khamenei oo ah Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan.

- Dadka dhaleeceeya waxay ugu yeeraan 'Kawaanlihii Tehraan' sababo ku aadan doorkii uu ku lahaa dilka maxaabiista siyaasadeed ee dabayaaqadii 80-meeyadii isaga oo qayb ka ah doorka guddiga dacwad oogista.

- Waxaa ku dhintay shil diyaaradeed oo uu la socday wasiirkiisii ​​arrimaha dibadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM