Elon Musk oo booqday goobaha ay XMS weerareen 7dii October

Image

WASHINGTON (GO) - Bilyaneer-ka Mareykan-ka ah Elon Musk ayaa Maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxayna kormeereen goobihii ay weerareen Xamaas 7-dii October.

Musk, oo ah milkiiliha mdasha "X" ayaa sidoo kale la qorsheeyay inuu la kulmo madaxweynaha Israel Isaac Herzog.

Dowladda Israa'iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in ay mabda'a ahaan kula heshiisay Musk inay isticmaasho adeegga isgaarsiinta ee "Starlink", oo ay bixiso shirkadda "SpaceX" ee uu leeyahay.

Eedeymaha Yahuud nacaybka ayaa loo jeedinayay Musk dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ka dib markii qoraallo lagu taageerayo Hitler iyo Naasiyiinta ay ka soo muuqdeen Madasha "X".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM